Columbus Solar Park

Maayarka Columbus Andrew J. Ginther waxa uu bulshada u caddeeyey in Columbus ay u dhaqaaqi doonto tamarta la cusboonaysiiyo 100% marka la gaadho 2022, iyo sidoo kale ka go’naanshiyo iyo yool bulshada Columbus u yaalla oo ah inay noqoto mid kaarboonkeedu miisaaman yahay marka la gaadho 2050.

Si loo hirgeliyo yoolkan, Maayar Ginther, oo la shaqaynaya Golaha Caasimadda iyo hogaamiyeyaasha bulshada, ayaa u wareegay abuuritaanka barnaamijka ilaha tamarta ee badan ee doorashada bulshada ee tamarta nadiifta ah ee Ohio 100%.  Doorashadii 2020, codbixiyeyaasha Columbus waxa ay si aqlabiyad leh u soo saareen barnaamijka tamarta ilaha badan ee nadiifta ah boqolkiiba 100 iyaga oo kusoo saaray cod ah 76 boqolkiiba.  Luuqadda codbixintu waxa ay sidoo kale u baahnayd in dhammaan tamarta la soo saarayo ee lagu daboolayo baahiyaha dadka degaanka ah iyo ganacsiyada yaryar ee Columbus ay ka yimaaddaan tamar nadiif ah oo Ohio ah.

Markii Maayar Ginther ku dhawaaqay qorshahan, dad badani waxa ay u maleeyeen inay tahay mid han aad u sarreeya leh oo ay suuragal tahay inaan la fulin karin.  Balse xawaare aad u sarreeya oo ku dhawaad sanad ah, ayaa barnaamijka Clean Energy Columbus uu onlayn yahay oo uu muujinayaa guul. Sidii ay ballantu ahayd, mashaariicda tamarta nadiifta ah waxa laga dhisayaa Ohio, iyaga oo shaqooyin u abuuraya shaqaalaha Ohio oo siin doona laydh guryaheena iyo ganacsiyadeena yaryar ee Columbus dhawrka sano ee socda.

Taasi waa sababta Maayar Ginther, oo ay la socdaan shuraakooyinka bulshada (SWACO, BQ Energy, AEP Energy, IMPACT Community Action, & Sierra Club’s Ready for 100) ay u wada istaageen iyaga oo qabanaya shir jaraa’id Sateembartan ina dhaaftay si ay ugu dhawaaqaan ku daritaanka Columbus Solar Park iyada oo qayb ka noqon doonta barnaamijka Clean Energy Columbus.

Columbus Solar Park waa mashruuc tamar cadceedeed oo ah 49.5 MW oo laga samaynayo dhul ah 173-acre kaas oo hore loogu adeegsan jiray qashinqub nadaafadeed oo ay leedahay Degmada Franklin oo u dhexeeya Jackson Pike iyo I-71.  Dhulku waa fursad heersare ah oo lagu siinayo tamar nadiif ah Columbus, iyada oo lagu soo saarayo isla halkan Degmada Franklin oo la adeegsanayo shaqaale deegaanka ah.

Sida uu Ty Marsh kii SWACO yidhi, mashruucu waa “boodh muuqaaleed muujinaya bulshadayada sida ay uga go’an tahay tamar nadiif ahi.”  Columbus Solar Park minaarad iftiimaysa oo kale ayey u noqon doontaa dhammaan dadka kasoo gelaya Caasimadda Columbus dhanka koonfurta.

Qashinqubkii hore waxa loo beddeli doonaa xarunta tamarta cadceedda ee nooceeda ah ee ugu weyn Maraykanka. Tamarta nadiifta ah ee la soo saaro waxa ay ku nagaan doontaa bulshadeena waxana adeegsan doona dadka degaanka ah iyo ganacsiyada yaryar ee Columbus.

Mashruucu waxa uu keeni doona hawo ka nadiifsan tan hadda waxana uu abuuri doonaa wax ka badan 200 oo shaqo. Taas waxa dheer, mashruuca tamarta cadceeddu waxa uu u noqon doonaa agab waxbarasho carruurta iyo dadka degaanka ah ee ku nool aagga Columbus.

Anaga oo u marayna barnaamijka Clean Energy Columbus waxa aanu abuuraynaa hawo ka nadiifsan tan hadda, shaqooyin tamarta nadiifta ah, iyo fursado sanadada soo socda.