Su’aalaha Badanaa La Is-weydiiyo

Noofembar 3, 2020, codbixiyeyaasha Magaalada Columbus waxay si aqlabiyad ah u ansixiyeen bilawga codbixin taas oo u ogolaatay Magaalada isku keenista ilaha laydhka tafaariiqada ah ee loogu talagalay dadka deegaanka ah iyo ganacsiyada yaryar loogu si looga caawiyo samaynta tamarta nadiifta ah ee deegaanka iyo joogtaynta dhaqaale. AEP Energy waxaa lagu doortay nidaamka qiimaha jaban oo lagu bixinayo tamarta nadiifta ah 100% ee deegaanka ee lagu siinayo dadka u qalma ee deegaanka iyo ganacsiyada taas oo usoo maraysa Barnaamijka Clean Energy Columbus.

AEP Energy waxaa weeye bixiye Laydhka Tafaariiqda ah ee Jaban oo shahaado haysta (Competitive Retail Electric Service, CRES) oo waxaana kaabis ku samaysa American Electric Power Company, Inc. (AEP). Waxa uu ku leeyahay xafiis Columbus, Ohio, AEP Energy waxa uu ku siiyaa laydh macaamiisha qiimaha suuqa halkii uu ku siin lahaa xadiga caadiga ah ee shirkada laydhka ka qaadaan.

Dhamaan macaamiisha u qalma waxa si toos ah loogu darayaa Clean Energy Columbus iyada oo aad doorato moojee inaad ka baxdo. Hadii aad ka baxdo, waxaa laguu sii wadi doonaa adeega xarunta laydhka deegaanka ee caadiga ah ama ilaa inta aad dooranaysobixiye adeeg laydh oo kale. Iyada oo qayb ka ah ku biirida, waxa aad sidoo kale ka heli doontaa wargelin shirkada laydhka deegaanka, AEP Ohio, taas oo lagu xaqiijinayo go’aankaaga inaad ku biirtay AEP Energy. Kaliya waxa aad akhridaa warqada – hadii aad ku faraxsan tahay Barnaamijka Clean Energy Columbus , iska dhaaf warqadaas markaas. Looma baahna wax deebaaji ah marka lagu biirayo.

Barnaamijka Clean Energy Columbus waxa uu bilaabmay Juun 2021 akhriska saacadeed ah.

Waxa aad heli doontaa tamar nadiif ah 100% oo qiimaheedu yahay $0.05499 kWh-kiiba laba iyo tobanka bilood ee ugu horeeya Clean Energy Columbus. Qiimaha mustaqbalka waxaa lagu go’aamin doonaa Juun kasta inta hadhsan. Fadlan booqo boga Xadiga si aad u hesho qiimaha sanadkii.

Waxaa laguu sii wadi doonaa inaad ka hesho kharashka bishii hal mar bil kasta shirkadaada laydhka deegaanka. Xadiga ay kugu leedahay AEP Energy waxaa loogu sheegi doonaa si gooni ah biilkaaga oo waxa aad kaliya sii wadi doontaa inaad u dirto lacagta shirkadaada laydhka ee deegaanka.

Inta saacadu qorto way heli karaan dadka ku jira Barnaamijka Clean Energy Columbus. Hadii aad leedahay dab-dhaliye yaala gurigaaga oo aad buuxiso dhamaan shuruudaha u qalanka, waxa aad u qalmi kartaa inta saacadu qorto ee rasmi ah ee Barnaamijka Clean Energy Columbus. Fadlan ka eeg Shuruudaha iyo Xeerarka wixii macluumaad ah ee dheeraad ah ee ku saabsan inta rasmiga ah ee ay qorto saacadu iyo xisaabinta daynta.

Qorshaha Kharashka Miisaaniyada waxaa lagu heli karaa kharashka AEP Energy (Kharashka dab-dhaliyaha) ee dadka deegaanka oo kaliya. Qorshaha Kharashka Miisaaniyada waxa uu simaa kharash bixintaada bishii si la isku leekaysiiyo xiliyada ugu badan iyo kuwa ugu yar kharashaadkaaga bishii. Waxa aad heli doontaa sugnaan dheeraad ah oo waxa aad si dhaanta u maamuli doontaa kharashaadkaaga laydhka. Fadlan booqo www.AEPenergy.com si aad u hesho macluumaad dheeraad ah. Shirkadaada laydhka ee deegaanka ayaa sidoo kale ku siin karta Qorshaha Kharashka Miisaaniyada ee dhamaan kharashaadka aan la xidhiidhin kharashka AEP Energy.

Haa, waxaad joojin kartaa wakhti kasta iyada oo aan lagaa qaadaynin ganaax oo waxa aad u wareegi kartaa bixiye kale ama waxa aad ku noqon kartaa shirkadaadii laydhka ee deegaanka. Hadii aad joojiso adeegaaga AEP Energy oo aad ku noqoto adeegyadii caadiga ahaa ee ay shirkada laydhka deegaanku bixiso, laguguma siin doono isla xadiga, shuruucdan iyo xeerarka kuwaas oo khuseeya macaamiisha shirkada ee kale. Ugu yaraan sadexdii sano hal mar, AEP Energy waxay ku siin doontaa wargelin xuquuqdaada joogtada ah ee aad kaga baxayso, dib ugu biirayso ama aad ugu sugnaanayso Barnaamijka Clean Energy Columbus.

Marka barnaamijku uu usoo dhawaado dhamaadka, Magaaladu waxa ay dooran kartaa inay deeqo ka dalbato bixiyayaasha laydhka si ay markaa heshiis cusub ula gasho iyada oo matalaysa dadka deegaanka iyo ganacsiyada yaryar ee u qalma. Hadii aan ka baxo maka hore, miyaan dooran karaa inaad dib ugu biiro barnaamijka wakhti danbe? Haa, hadii aad ka baxdo marka hore oo aad is badasho mar dambe, waxa aad ku biiri kartaa adiga oo kala hadlaya AEP Energy 1-888-307-0264 ama booqanaya AEPenergy.com/CBUS

Haa, hadii aad ka baxdo marka hore oo aad is badasho mar dambe, waxa aad ku biiri kartaa adiga oo kala hadlaya AEP Energy 1-888-307-0264 ama booqanaya AEPenergy.com/CBUS.

Hadii aad u guurto meel kale oo u qalanta oo inta ay shirkadu ka shaqayso ah ee Magaalada Columbus, waxa aad dooran kartaa inaad sii wado ka qayb galka barnaamijka.  Hadii aad ka guurto inta ay shirkadu ka shaqayso ee Magaalada Columbus, wixii intaa ka danbaysa uma qalmi doontid inaad ka qaybqaadato Barnaamijka Clean Energy Columbus.  Macluumaad dheeraad ah ayaa laga heli karaa Shuruudaha iyo Xeerarka la socda warqada Ka Bixitaanka

Wixii ganacsi ah ee yar ee u qalma ee ku yaal bulshada ee isticmaala wax ka yar 700,000 oo kWh sanadkii waxa uu ka qayb geli karaa Barnaamijka Tamarta Ilaha Badan ee Laydhka maadaama oo loo arko macmiil aan ganacsi ahayn sida ku qoran Xeerka Maamulka Ohio.

Barnaamijka Clean Energy Columbus waxa uu taageeraa dhalinta tamarta nadiifta ah ee deegaanka ee Ohio. Tamarta Nadiifta ah ee Barnaamijkan waxa marka hore laga helaa iyada oo loo marayo Shahaadooyinka Tamarta La Cusboonaysiiyo (Renewable Energy Certificates, RECs) inta la dhisayo mashaariicda tamarta nadiifta ah ee xaddiga xarumaha ah ee Ohio ee lagu buuxinayo yoolasha Barnaamijka Clean Energy Columbus. Tamarta nadiifta ah waxaa loola jeedaa tamarta laga soo saaro ilaha la cusboonaysiiyo ee bilaa kaarboonka ah ee ay yar tahay ama aan lahayn gaasaska wasakheeya kul-hayaha, oo waxaa ku jira soolarka, hawada, dabka biyaha, dabka qiiqa kulul ee dhulka, kulaylka qashinka iyo bayomaas.