Nidaamka

Juun 1, 2021

BARNAAMIJKA WAA UU BILAABMAYAA

Korontadu waxa ay bilawday inay qulqusho iyada oo hoos tegeysa Barnaamijka Clean Energy Columbus

Abriil 8, 2021

WARQADAHA KA BIXIDA OO LAGU XAREEYO PUCO

Waraaqaha ka Bixidu ee dadka codbixiyeyaasha ah waxaa lagu xareeyay PUCO 03/18/2021. Maarso 28keeda ama wakhti ku dhaw waraaqaha ayaa la bilaabi doonaa in loo diro bulshada. Macmiilku waxa uu haystaa 21-maalmood oo ka bilaabma taariikhda ku qoran adeega boosta inuu kasoo jawaabo. Kasoo jawaabid la'aantu waxa uu ka dhigan yahay in lagugu dari doono barnaamijka.

Diisambar 1, 2020

PUCO Arjigiiga ayaa la Xareeyay

Noofambar 18, 2020

Dhagaysiga Shacabka #2 ee Qorshaha Maamulida & Hawlgallada Barnaamijka Tamarta Ilaha Badan

Xubanaha golaha ee Dorans iyo Remy ayaa qabtay Dhagaysiga Shacabka ee 2aad ee ku saabsan Qorshaha Maamulida iyo Hawlgallada ee Magaalada.

Noofember 17, 2020

Dhagaysiga Shacabka #1 ee Qorshaha Maamulida & Hawlgallada Barnaamijka Tamarta Ilaha Badan

Xubnaha golaha ee Dorans iyo Remy ayaa qabtay dhagaysiga shacabka ee 1aad iyo 2 ee Qorshaha Maamulida iyo Hawlgallada ee Magaalada - qorshuhu waxaa weeye nidaamka shaqo ee sida barnaamijka tamarka ilaha badan uu u shaqeyn doono oo uu shardi ugu yahay PUCO si Magaalada Columbus ay u noqoto isku keene dawladadeed oo shahaado ka haysta PUCO.

Noofambar 3, 2020

Maalinta Doorashada, Ansixinta Codeeyayaasha Nuqulka 1

Codbixiyayaashu waxay si aan kala hadh lahayn ugu codeeyeen haa Nuqulka 1 iyaga oo ku taageersan in Magaaladu 100% ay u wareegto barnaamijka tamarta ilaha badan ee nadiifta ah ee Ohio ah. Maadaama oo dadku ay ansixiyeen, Magaalada waxaa u suurto geshey inay ku socoto nidaamka ay ku noqonayso isku keene dawlada ah oo shahaado haysata.

Sebteember 2, 2020

Magaaladu Waxay Qabanaysaa Dhagaysiga Shacabka ee 2aad ee Barnaamijka Tamarta Ilaha Badan

Magaaladu waxay qabatay dhagaysiga shacabka si ay uga waranto sida barnaamijka tamarta ilaha badan ugu haboon yahay tamarta guud & qaabka cimilada ee Magaaalada Magaalada, ilaa iminka nidaamka, waxa la filan karo wixii ka danbeeya Noofember, iyo inay si toos ah noolasoo xidhiidho AEP Energy. Dhagaysiga sidoo kale waxa uu siiyaa dadka deegaanka iyo shacabka meel ay ku bixin karaan ra'yi celintooda ku aaddan barnaamijka loo gol leeyahay.

Ogoosto 26, 2020

Magaaladu waxa ay "Bilaabaysaa" Barnaamijka Tamarta Ilaha Badan Waxana ay Ku Dhawaaqaysaa Bixiyaha La Doorbidey

Shir jaraa'id oo lagu qabtay Bicentennial Park, halkaas oo uu yeelay qalabka soolarku xarumaha dushooda, Maayar Ginther waxa uu ku dhawaaqay in loo xushay AEP Energy inay noqoto bixiyaha la doorbiday ee barnaamijka tamarta ilaha badan ee nadiifta ah.

Luulyo 20, 2020

Golaha Ayaa Soo Saaray Xeer uu Ku Meelaynayo Barnaamijka Tamarta Ilaha Badan ee Doorashada Noofember

Golahu waxa uu ansixiyay amarka fulinta ee 1642-2020, taas oo u sahlaysa Magaalada inay dejiso barnaamijka tamarta ilaha badan Noofembar 3deeda, codeynta 2020 oo waa magaaladii ugu horeeysay ee ku taalla Ohio ee ku soo darta luuqada codbixinta ka go'aanasha taageerada jiilka tamarta nadiifta ah ee deegaanka, kaydinta tamarta, iyo dhaqaale joogto ah oo Columbus ah.

Luulyo 7, 2020

Magaaladu waxay Qabanaysaa Dhagaysi Shacab oo Maqal iyo Muuqaal ah oo Barnaamijka Tamarta Ilaha Badan Ku Saabsan

Kahor xeerka ku daraya barnaamijka tamarta ilaha badan korontada cod bixinta, Magaaladu waxay qaban doontaa dhagaysi shacab oo ku saabsan nuxurka barnaamijka tamarta ilaha badan, oo lagu sheegayo yoolasha Magaalada iyo dadaalka barnaamijka tamarta ilaha badan ee la cusboonaysiiyo, ee nadiifta ah ee 100%.

Juun 16, 2020

Magaaladu Waxay Soo Saartay Qiime Jaban, oo Dadweyne oo loogu talagalay Tamarbixiyaha La Doorbiday

Dedaal loogu jiro in la siiyo macluumaad dheeraad ah dadka deegaanka kahor Noofember, Magaaladu waxay bilawday nidaamka lagu xulanayo shuraakada iyo tamarbixiyaha la doorbiday kuwaas oo awood u yeelan doona inay buuxiyaan yoolka tamarta la cusboonaysiiyo, ee nadiifta ah 100%, iyo sidoo kale cida ay iska kaashanayaan oo ay wadaagaan mabaadii'da sinaanta bulshada iyo Magaalada, joogtaynta, isku filnaanshaha tamarta, iyo kala duwanaanshaha & wada jirka..

Maayo 4, 2020

Golahu Waxa uu u Ansixiyay Trebel Energy in uu noqdo Lataliyaha Barnaamijka Tamarta Ilaha Badan

Natiijo ka dhalatay hanaanka qiimaha jaban, Trebel Energy waxaa loo dortay inay noqoto wakiilka Magaalada ee dhalinaysa ee maamulaysana barnaamijka tamarta ilaha badan ee dabaysha iyo cadceeda ee ku salaysan Ohio 100%. Trebel waxaa weeye shirkad ku taal Ohio oo keenaysa khibrad ka timid 157 barnaamij oo tamarta ilaha badan ah barnaamijka, iyo dadaal xoogan oo ay ugu doodayso bulshada ay u adeegto.

Febraayo 19, 2020

Magaaladu Waxay Sii Daysay Qiime Jaban oo Latalinta Barnaamijka Tamarta Ilaha Badan ah

Maadaama oo ay jirto murugsanaan shirkada tamarta ah, iyo yoolasha iyo dedaalka xooggan ee Magaalada ee dhaqangelinta barnaamij tamar halabuur leh, oo nadiif ah kaas oo kor u qaada gunnada bulshada, Magaaladu waxay u baahnayd cid khabiir ah oo ay kala shaqayso oo u ololeelaysa gaadhitaanka yoolka 2022.

Febraayo 12, 2020

Gobolka Magaalada Columbus

Maayar Ginther waxa uu bayaamiyay in Magaalada ay ka go'an tahay inay raacdo barnaamijka tamarta ilaha badan ee ikhtiyaarka bulshada, oo yoolkeedu yahay in lagu heli in la bixiyo tamar nadiif ah, oo la cusboonaysiiyo 100% 2022