U-QALMIDDA

Wixii dad ah ee degan Columbus ama ganacsiyada yaryar (ee isticmaala ilaa 700,000 kWh ama wax ka yar) ee loogu adeego AEP Ohio waxay u qalmi doonaan inay ka qayb galaan barnaamijka tamarta ilaha badan ee doorashada bulshada Magaalada, oo waxaa la siin doonaa tamar nadiif ah, oo la cusboonaysiin karo oo qiimo jaban ah. Maadaama oo ay jiraan shuruucda gobolka, dadka deegaanka ama ganacsiyada yaryar ee ay u adeegto Magaalada Columbus, Waaxda Tamartu, uma qalmi doonaan inay ka qayb galaan. Magaaladu waxa ay ahaanaysaa mid ay ka go’an tahay in ay siiso dadkaas deegaanka ah tamar nadiif ah oo la cusboonaysiin karo. Hadii ay kuu adeegto Waaxda Tamarta ee Magaalada, waxa aad ka heli kartaa macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan faa’iidooyinka Waaxda Tamarta Cagaarka ah, oo ay ku jirto EcoSmartChoice, barta Columbus.gov/GreenPower.