Macluumaadka Clean Energy Columbus

Clean Energy Columbus waxaa weeye barnaamijka tamarta ilaha badan ee doorashada bulshada Magaalada Columbus, oo bixiya tamar nadiif ah iyo qiimeyaal jaban oo loogu talagalay dadka deegaanka ah iyo ganacsiyada yaryar ee Columbus. Waxaa weeye yoolka carinta lihi in bulshadu ay bilaa kaarboon noqoto 2050 - si loogu xaqiijiyo xaafado iyo bulsho caafimaad qaba, oo firfircoon jiilasha soo socda - Clean Energy Columbus waxa uu kaalin wayn ka ciyaaraa abuurida mustaqbalkeena sugan. Barnaamijka Tamarta Ilaha Badan ee Ikhtiyaarka Bulshada waxaa weeye nidaam ay ku bixiso Magaalada Columbus qandaraasyo tamar iyada oo matalaysa dadkeeda deegaanka iyo ganacsiyada yaryar. Iyada oo la marinayo laba nidaam oo kala duwan oo qiime jaban, Magaaladu waxay qandaraaska siisay Trebel Energy si ay uga taliyaan oo ay u maamulaan barnaamijka iyo AEP Energy si ay u siiyaan tamar 100% nadiif ah dadka reer Ohio iyo inay siiyaan tamarka Barnaamijka Clean Energy Columbus iyo ganacsiyada yaryar.

Clean Energy Columbus waxay bixisay qandaraasyo tamarta ah iyada oo ku matalaysa dadka deegaanka ah iyo ganacsiyada yaryar, taas oo noo sahlaysa in aanu qiimaha jabino oo aanu joogtayno.

Clean Energy Columbus waxay taageertaa bulshadeena halkan ku sugan Columbus iyo Ohio oo dhan. Barnaamij Magaalo ahaan, Clean Energy Columbus waxa weeye cida lagala xisaabtamo ee u bayaamisa dadka deegaanka ah ka qaybgalkuna waa ikhtiyaari.

Tamarta Nadiifta ah & Caafimaadka

100% tamarta nadiifta ah ee Ohio waxay ka dhigan tahay hawo nadiif ah iyo bulsho caafimaad qabta

Maalgelinta Deegaanka

Waxaanu dib u maalgelin ku samaynaa bulshooyinkeena uu saamaynta ugu badan ku yeeshey isbadalka cimilada, ka taageerta isku filnaanshaha tamarta iyo helitaanka shaqooyin ay mushahar wanaagsan ka qaataan